Lix qof oo ku dhintay dagaalkii maanta ka dhacay Aaga Buurgaabo ee Gobolka J/Hoose. .

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay dhowr kalena way ku dhaawacantay dagaal maanta dhexmaray laba beelood oo wada daga xeebta buurgaabo ee konfurta magaalada Kismaayo.

Beelaha ogaden iyo galjecel ayaa ku dagaalamay buurgabo iyadoo dagaalkaasu ka dhashay gacan ku haynta degada macmilka ah.

Dadkaas ku dagaalamaya deegaankaas waxay u badan yihiin dad reer miyi ah oo ku wada nool deegaankaas.

Dadkii dhaawaca ahaa aya lakeenay kismaayo oo u jirta 150 kilomitir buurgaabo.

Oday ku sugan buurgabo ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in labada beelood ay ku muransanaayeen dhowr maalmood lacagta laga qaadayo doomaha dhoofiya dhuxusha.

Waxgaradka beelahaas ayaa qorsheenaya in colaada ay ku dhameeyaan wada hadal sida ugu dhaqsiyaha badan.

Farxaan Cabdille Cumar

Ceelwaaq.com

 

 


  ©2004 Ceelwaaq.com  ®All rights reserved.