Dowlada itoobiya oo usoo jeedisay Madaxwaynaha soomaaliya inuu u magacaabo Jurile Wasiirka koobaad iyo xildhibaanada baarlamaanka Garabka ARS oo ku tilmaamay meerinta itoobiyo in laga gudbay magacaabida jurilana ay kala diri karto baarlamaanka soomaaliya.

Warar aad ugu dhow dhow xafiiska madaxwaynaha Dowlada Soomaaliya ayaa sheegayo in ay dowlada itoobiya usoo jeediday madaxwaynaha Soomaaliya inuu u magacaabo Xilka Wasiirka koowaad Jurile oo horey uga tirtasaa dowladii dhacday ee Cabdulaahi

Wararka ayaa sheegayo inay arintaas ka abuurtay buuq aad u fara badan dhinaca xildhbaanada ARS kasoo galay baarlamaanka kuna tilmaamay inay dhamaatay waqtigii itoobiya u yeerin jirtay madaxda soomaaliya qofka loodhiibayo xil, hadii arintaas dhacdana ay keeni karto in lagu kala dareero baarlamaanka lagu dhisay jabuuti

Madaxwaynaha oo balan qaaday inuu la tashan doono baarlamaanka dhagaysan doono ayaa la filayaa inuu dhag u dhigin codsiga itoobiya kana wato howsha qaran ee hortaal, kunasoo doorto Wasiirka koowaad ee dowlada laga dhowrayo inuu dhiso rabitaanka shcabka soomaaliyeed

Shacabka soomaaliyeed ayaa aad uga wardhowrayo Shariif Sheeq Axmed dowlada uuku dhawaaqo qofka kor kici doono, waxaa aad loo saadaalinayaa inuu ka dooran doono Xubin Aqoon,waaya aragnimo iyo karti u leh xilka wasiirka koobaad xubnaha ugu jira baarlamaanka Garabka ARS-ta.

Wararkii Jabuuti

Ceelwaaq.com

 

 


  ©2004 Ceelwaaq.com  ®All rights reserved.