Waraysi Aanla yeelanay Dr: Abdi Ali Hasan oo ka mid ah xubnaha cusub ee Baarlamaanka soomaaliyeed, horayna uga mid ahaa wasiiradii dowladii carte ee lagu dhisay dalka jabuuti.
1. Kusoo dhowoow DR: Abdi Ali Hasan waraysigan.
Mahad sanid Waxaan halkaan ka salaamayaa dhamaan bulsha somaaliyeed meel kasta ooy joogto waxaana uga mahad celinayaa soo dhowaynta ay soo dhoweeyeen doorashada madaxwaynaha Soomaaliyeed ee lagu doortay dalka jabuuti Shariif sheeq axmed, waxaana uga tacsiyaynayaa dhibkii kasoo gaaray colaadii dagaalada sokeeye oo naf iyo maalba leh.
2. Maxaad umada soomaaliyeed ayka fili karaan dowladan lagu dhisay dalka jabuuti?
Waxaa wax lagu farxa ah in ay maanta bulshada soomaaliyeed heleen hogaamiyihii ay rabeen, kasoo dhab ahaantii ah hogaamiye dayar kartina uleh inuu hanto xilkaas, horayna umuujiyay mudadii gaabneed ee uu hogaaminayay Maamulkii maxaakiinta soomaaliyeed ee gacanta ku hayay 6 bilood koonfurta soomaaliya. Kasoo dhab ahaantii ku maamulay cadaalad, kuna guulaystay inuu soo celiyo amaankii iyo kala danbayntii.
3. Maxay tahay tilaabada ugu horeysa oo ay qaadayso dowladan?
Tilaabada ugu horaysa oo aan filayno waxay tahay inuu soo magacaabo madaxwaynaha, Raisul wasaare Aqoon leh, waaya aragnimo siyaasadeed leh, Diin leh, beesha caalamka soo jiidi karo kana gadi karo hanaanka siyaasadeed ee ayku shaqaynayso dowlada, aanka qaybqaadan danbiyadii laga galay dalka iyo dadka soomaaliyeed.
4. Maxaa laguxlayaa raisil wasaaraha la magacaabayo dhowaan?
Raisul wasaaraha waa inuu la shaqayn karo madaxwaynaha, waxna ka qaban karo xaalada siyaasadeed ee soomaaliya, saamayn buuxdana ku yeelan karo koonfurta soomaaliya, lana shaqayn karo beesha caalamka iyo dowladaha dariska.
5. Maxaay uga gadisnaan doontaa xukuumada lagu dhisayo halkan kuwii hore?
Xukuumad ku shaqayso wadahadal, dulqaadna u leh inay ka mira dhaliso nabada si ay uga saarto dalka xaalada cakiran ee uu maanta ku jiro, sidii ururka ARS uu ugu guulaystay inuu ka mira dhaliyo wada hadaladii lagu dhisay dowlada maanta noo dhalatay.
6. Sideed u wajehayseen arinta soomaaliya maanta marka aad dalka ku laabataan?
Dhab ahaantii soomaaliya maanta uma baahna wiil kaloo ka dhinta, waxay u baahan tahay dowlad ka saarta colaada, ku maamusha cadaalad, dhisto dhamaan hay adihii dowliga, Kuwii waxbarashada, caafimaadka, adeega bulsahada sida biyo nadiif ah koronto iyo wadooyin la maro, Abuurtana shaqooyin ay ka faa iidaystaan dayarta soomaaliyeed ee xoogooda loo adeegsaday maanta colaada sokeeye.
7. Maxaad kala kulmi kartaan ururada ka maqan wada hadaladan, maxaadna kala kulmi kartaan?
Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan ururada ka maqan shirkaan baaq nabadeed iyo inay ka mid noqdaan dadaalka caqabada 19jirsatay looga saarayo umada soomaaliyeed.
8. Maxaad ujeedinaysaa umada soomaaliyeed ee uu gaarayo waraysigaagan?
Waxaan ugu horayntii uga tacsiyaynayaa hogaan xumadii ay kala kulmeen iyo dhibkii kasoo gaaray dowladihii naga horeeyay. waxaan maanta ugu bishaaraynayaa inay heleen hogaan ayka go´ an tahay inuu kasaaro dhibka umada soomaaliyeed uguna adeego cadaalad iyo hufnaan. Waxaan waydiisanaynaa inay nala garab istaagaan dadaalka aan wadno taageero iyo kalsoonina muujiyaan, rabina tala saartaan mahadsanidiin.
Wararka jabuuti
Ceelwaaq.com