|
|
|
|
Airportka jabuuti ayaa siyaasiyiin soomaaliyeed si is bada joog ah uga soo dagayeen maanta
Waxaa saaka Airportka jabuuti ku waa bariistay, siyaasiyiin farabadan oo soomaaliyeed oo si is daba joog ah uga soo daganayay, Diyaarad ayaa ka keentay magaalada baydhado Xildhibaano ka tirsan dowlada ku meelgaarka soomaaliya oo gaarayay labaataneeyo,
Sidoo kale waxaa iyana ka soo gaaray xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo duulay Muqdisho oo igana isla maanta soo gaaray jabuuti, Nairobi iyo qurbaha ayaa sidoo kale waxaa ka yimid dad aad u faradaban oo kasoo qaybgalay shirka la isugu balansan yahay, waxaa sidoo kale laga sugayaa wafti uu hogaaminayo Kusimaha madaxwaynaha soomaaliya ahna Gudoomiyaha baarlamaanka kumeelgaarka Aadan madoobe oo kasoo duulay galabta dadalka carabta,
Wasiirka koowaad ee ku meelgaarka ayaa asna sidoo kale kusoo wajahan jabuuti, siyaasiyiinta maanta kusoo qulqulayo magaalada jubuuti ayaa meesha ka saartay hadal hayntii ahayd in lagu dooran doono madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka magaalada Baydhabo iyo in jabuuti la isugu yimaado oo lagu dhamaystiro hashiiska wadahadalada, dowlad loo dhan yahayna lagu dhiso baarlamaanka mucaaradka iyo dowladana la isku daro,
Wararka jabuuti
Ceelwaaq.com
|
|
|
|
©2004 Ceelwaaq.com ®All rights reserved. |