Shirkii Uga socday kooxaha mucaaradka iyo Baarlamaanka Dowlada kumeelgaarka soomaaliya dalka jabuuti ayaa saansaan fiican kusocdo.
Maal mihii lasoo dhaafay ayaa waxaa uga socday dalka jabuuto, ururka dib u xorayna soomaliya iyo baarlamaanka kumeelgaarka ee dowlada soomaaliya shir lagu soo afjarajo qilaafaadkii u dhexeeyay dowlada iyo qayb ka mid ah mucaaradka kasoo horjeeday dowladii lagu soo dhisay dalka kenya ooka dhicisowday hanaankii ay shacabka ka sugayeen, madax waynihii horboodayayna xilka laga tuuray dabayaaqadii sanadkii tagay.
Shirka oo baarlamaanka kumeelgaarka iyo Ururka dib u xoraynta soomaaliaya ay isla garteen in dowlad qaran oo midaysan lagu dhiso madaxwaynihii hanan lahaa xilkii uuku fashilmay inuu hanta mudo afarsanadood ah Kornayl Cabdulaahi yuusuf, xilkaas ku waayay markii dalka ciidamo itobiyaan ah la keenay colaad iyo dhibna ka bixi waayay.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay beesha caalamka oo la kaashanayso dalka jabuuti oo gogoshan fidisay iyo ururka igad ayaa waxaa horboodaya wakiilka uqaabilsan soomaaliya qaramada modoobay walad cabdala, waxaana laga filayaa in lagu dhiso dowlad qaran oo midaysa dhamaan shacabka soomaaliyeed
Ilaa iyo hadeer shirka waxaa uuku socdaa jawi is afgarad ah inkastoo ururka dib u xoraynta soomaaliyeedna ayku mashquulsan yihiin xubnihii uga mid noqon lahaa baarlaaanka la isku darayo, baarlamaanka dowlada kumeelgaarka ahna hada kusoo bilowday inuu soogaaro dalka jabuuti ayaa labada gudi oo uxilsaaran wada xaajoodka howsha aysan wax qilaaf ah hada wali ka dhex muuqan.
Shacabka soomaaliyeed ee nabada jecel ayaa aad uga wardhowraya natiijada shirkan, inuu ka mira dhaliyo calooda qaangaartay ee soomaaliya dowlad nabad kusoo dabaashana dalkana lagu dhiso.
Shirkan ayaa la isku balansan yahay in dabayaaqada bisha lagu soo caleemo saaro dowlad aan lagaran karayn cida hor kici doonta, lakiin kooxo fara badan ooka kala imaanayo ayaa aad loogu arkaa tar tanka siyaasada.
Wararkii Jabuuti
Ceelwaaq.com