Xildhibanada Besha Sade oo xalay shir ku yeeshay magalada Jabuti ayaa waxay ka soo saren war saxaafaded iyo raisulwasare ku xigeenka oo is casilay.
Xildhibanada Besha Sade oo xalay shir ku yeshay magalada Jabuti ayaa waxay ka soo sareen war saxaafadeed ay kalsoonida kala labanayan qabka cadalada ka fog ee loo soo dhisay xukumada cusub oo ay majaraha uu hayan dhalin aan wax qibrad ah u lahayn xaalada Somaliya.
War saxafadeedka ayaa waxa lagu xusey in Beshu wax taageero ah uhayn xukuumada lagu dhawaaqay mowqifkeedii horena ay ka taagan yihiin ee ahaa inaan wax taagero ah aysan uhayn beesha waxa loogu yeeray xukumada cadalada ka fog.
Xildhibanada Besha ayaa shegay in ay go'ankaas qaateen kadib markii ay u cadaatay in si ula kac ah loogu gafay sharaftooda iyo tan Beshaba oo ay ayagu u matalaan barlamaanka Soomaliya, waxayna sheegeen in Besha had iyo goorba danta Besha ay ka hormarin jireen danta Qaranka oo marar badan ay ugu samreen una qaaten cad aanan u qalmin, balse taasi wax isbadal ah wey keeni wayday mudadii 19-ka sano ahayd ee aynu soo dhaafnay ee burburka iyo colaaduhu wadanka ku habsaden. Sanadkii ugu danbeyay ee anu isniri soo celiya sharaftii iyo karaamadii umada Somaliyeed abalkeena waxaa laga dhigay in qaybteenii la duudsiiyo.
Ugu danbeyntii, waxay Xildhibanada warqad ka hadlaysa mowqifkoda ay u gudbiyen madexweynaha Soomalia Sh: Shariif Sh. Axmed kana codsateen inuu kasoo saaro go`aan cad mudo 24saacadood gudohood ah.
waxaa kaloo soo baxayo warar sheegayo in si tagri fal ula kac ah loogu badalay wasiiraka ganacsiga Ciro asagoo horey loogu sheegay inuu ku qoran yahay nin kasoo jeedo beesha, taasna ay sare usii qaaday caradii ay qabeen shacabka beesha meelkastoo joogaan.
Ilaa iyo hadda waxaa isa soo taraya beelaha ka biyo diidan qaabka wax loo qaybiyay, sidoo kalena waxaa shaaciyay qaar ka mid ah golihii wasirada ee xalay lagu dhawaqay in ay is casilen, waxaana ugu horeya Raisulwasare ku-xigenka, ahna wasirka tamarta iyo shidalka CABDIWAXID CILMI GOONJEX una gudbiyay saaka istiqaladisa Raisulwasaraha Soomaaliya.
Wararkii Jabuuti
Ceelwaaq.com