Maslax Maxamed Siyaad oo casho caraf ugu sameeyay Hotel Sharaton Jabuuti Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa casho sharaf ugu sameeyay Hotel Sharaton Jabuuti Xildhibaanada baarlamaanka soomaaliya Maslax Maxamed Siyaad, oo uga mahad celinayo taageeradii tartanka madaxwaynaha soomaaliyeed oo uu noqday musharaxa Labaad.

casho sharaftan oo ay kasoo qayb galeen mudanayaal ka badan 130 xildhibaan ayaa maslax uga mahad celiyay kasoo qaybgalka mudanayaasha casho sharaftan iyo taageeradii ay ka gaysteen tartankii doorashada, asaga oo ku tilmaamay in ay muujisay tilaabadaas soomaalinimo iyo inuu baarlamaanka soomaaliya maanta u bislaaday wadanimo kana gudbay waqtigii ay isku hays haysteen qabiilka.

maslax maxamed siyaad ayaa ku tilmaayay arin lama ilaawaan ah sida geesinimada ku jirto ood u muujiseen taageeradiina aad ayaana idiinka mahad celinayaa

Mawliid macaane oo ka mid ahaa xildhibaanada ka hadlay casho sharaftan ayaa ku tilmaayay doorashadii dhacday, guul usoo hoyatay umada soomaaliyeed mar hadii wiilkii madax wayniihii hore ee soomaaliya ay doorteen mudanayaal intaas tira leŽeg xili ay umada soomaaliyeed ku kala maqan yihiin beelo iyo colaad sokeeye, waxaan dhihi karaa arintan waa raali galin aan u muujinay Maslax Maxamed Siyaad.

Xildhibaan Diinaari oo asaga isku xire ka ahaa casho sharafkaas ayaa ku tilmaayay xildhibaanadii baarlamaanka garabkii TNG-da inay muujiyeen anay ka gudbeen dhibaatadii mudo hortaalay baarlamaanka soomaaliyeed una gudbeen qaranimo.

waxaa kaloo halkaas ka hadlay xildhibaano badan ooyka mid yihiin Buubaa, aadan Xaaxle iyo xildhibaano kaloo badan

Casho sharaftan ayaa ah kulankii ugu horeeyay ee ay casho isugu yimaadaan xildhibaano intaa le`eg kadib dhaartii Madaxwaynaha cusud ee jamhuuriyada soomaaliya Shariif Sheeq axmad, waxaa lakiin aan meesha ka maqnaan doonin in la isku soo qaadi doono dowlada lagu dhawaaqi doono dhowaan iyo aragtidooda ku aadan sidii loola shaqayn lahaa madaxwaynaha cusub eela doortay subaxnimadii sabtidii lasoo dhaafay.

Wararkii Jabuuti

Ceelwaaq.com

 

 


  ©2004 Ceelwaaq.com  źAll rights reserved.