Warar aanka helnay madaxtooyada soomaaliya oo aad ugu dhow Madawaynada soomaaliya ayaa noo xaqiijiyay in uu yahay inuu soo gaba gabeeyay madexwaynada soomaaliya qofka miiska saaran oola filayo in lagu dhawaaqana uu yahay Dr: Abdi Ali Hasan.

waxaa nagasoo gaaraya dalka jabuuti inuu soo gaba gabeeyay madaxwaynaha soomaaliya kulankii musharixiinta Raisul wasaaraha uu uga dhagaysanayay barnaamijkooda siyaasadeed Dhaqsana uguna dhaqaaqi doono

Wararku waxay intaas ku darayaan in laga soo xigtay madaxtooyada musharaxa ugu barnaajiy fiicnaa uuna la dhacay madaxwaynaha inuu noqday Dr:Abdi ali Hasan oo kasoo jeedo beesha mareexaan oo xilkaas lagu tilmaamay in ay dhamaan talooyinkii madaxwaynaha uga yimid beelaha soomaaliyeed kula taliyeen inuu siiyo nin beeshaas kasoo jeedo oo dalka iyo dadka danbi aanka galina karti iyo aqoona uleh xilkaan inuu kasoo xulo.

Musharixiin aad u fara badan oo ayaantan xusul duub ugu jiray xilkaas ayaan ka mid noqon in loogu yeero in laga dhagaysto barnaamijkooda siyaasadeed ilaa hadana waxaa aad looga dareemayaa jabuuti xusul duub iyo orad badan oo loogu jiro xilkaas

Waxay laga wardhowrayaa madaxwaynaha soomaaliyeed inuu ku dhawaaqo caawa xilkaas oo baryahaan ay saxaafada iyo bulshada soomaaliyeedba aad u hadal hayeen.

Wararkii Jabuuti

Ceelwaaq.com

 

 


  ©2004 Ceelwaaq.com  ®All rights reserved.